Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa juhdi xooggan gelineysa hirgelinta doorashooyinka, arrin ay si joogto ah uga hadlayaan Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada marka ay fagaarayaasha kasoo muuqdaan.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa dira farriimo isku mid ah, dhammaantoodna u adeegaya ololaha doorashada.
Laakiin su’aasha ay dad badan isweydiinayaan ayaa ah: Aaway doorkii guddiga doorashooyinka? Mise arrintan hadda waxaa si toos ah ula wareegay xukuumadda?
Waxaad mararka qaar arkeysaa wasiir ka qeybgelaya madal aan siyaasadda la xiriirin, balse daqiiqado kadib u weecinaya hadalka dhinaca ololaha. Waakan Wasiirka Dekedaha oo qabanaya kulamo lagu taageerayo doorashada.
Sidoo kale, Wasiirka Qoyska Khadiija Al-Maqsuumi ayaa iyaduna magaalada Baydhabo kula hadleysay bulshada, iyadoo ka dhaadhicineysa muhiimadda iyo aqbalidda doorashada.
Labadooda kuma eka oo keliya. Waxaa sidoo kale si joogto ah arrintan uga hadlay wasiirro kale oo ay kamid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha — dhammaantoodna si cad u taageeraya hirgelinta nidaamka dowladda riixeyso.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isna farriimihiisa si weyn ugu dhex daraya howlaha maamulka gobolka iyo adeegyada bulshada ee caasimadda.
Haddaba, xaggee ayuu ku egyahay wacyigelin dowladeed, xaggeese ka billowdaa olole siyaasadeed?
Ma olole siyaasadeed oo si rasmi ah uga socda hay’adaha dowladda dhexdeeda?
