Golaha Midowga Yurub (EU) ayaa go’aamiyay in si ku-meel-gaar ah loo adkeeyo habraacyada bixinta fiisooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Go’aankan ayaa lagu sababeeyay, sida uu Golaha Midowga Yurub sheegay, wada-shaqeyn la’aanta dowladda Soomaaliya ee dib loogu celinayo muwaadiniinteeda sida sharci-la’aanta ah ugu sugan dalalka Yurub.
Xayiraadaha cusub waxaa ka mid ah hakinta fududeyntii fiisooyinka, kordhinta muddada lagu farsameynayo codsiyada fiisaha, iyo in aan laga cafin doonin lacagta khidamada fiisaha dadka wata baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga (Service Passports).
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan diiddanayn muwaadiniinta dib loo soo celinayo, balse ay qabto su’aalo la xiriira habka lagu xaqiijinayo aqoonsigooda ka hor inta aan dalka lagu soo celin.
“Ma diidin dadkeenna. Dalkaney leeyihiin, mana diidi karno. Waxa aan isweydiineyno waa habka dadka loo soo celinayo. Waxaan taaganahay aan hubino ee midowga yurub kama diidin dadkeena iney noosoo celino” ayuu yiri Xasan sheekh
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dooday in qof kasta oo wata ama sheegta dhalashada Soomaaliya uusan si dhab ah Soomaali u ahayn. Wuxuu xusay in dad badan oo ka yimid Geeska Afrika ay isku sheegaan Soomaali si ay magangelyo uga helaan dalalka Yurub.
“Qof kasta oo yurub jooga ayaa isku dhiibay magaca soomaali kuwo daris nala ah ayaana sheegtay in ay soomaali yihiin” ayuu yiri Xasan Sheekh
Xayiraadahan cusub ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan muwaadiniin badan oo wata baasaboorka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qorsheynaya inay fiisooyin uga dalbadaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
