Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinimada Galmudug ee la filayo inay dhawaan ka qabsoonto magaalada Dhuusamareeb.
Qoorqoor ayaa sheegay inuu go’aansaday inuusan mar kale isu sharrixin xilka madaxweynaha, balse uu sii hayn doono xilka illaa laga soo gabagabeynayo hannaanka doorashada, si ay u sii socoto hawlaha maamulka.
“Waxaan go’aansaday in aan ka haro hannaanka doorashada ee hadda socda, isla markaana aan ka tanaasulo tartanka. Inta laga soo dhammeystirayo hannaankaas, xilka waan sii hayn doonaa si hawl-socodka maamulka uusan u hakad gelin,” ayuu yiri Qoorqoor.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu taageersan yahay qabsoomidda doorasho nabdoon oo hufan, isla markaana uu la shaqeyn doono cid kasta oo ku guuleysata hoggaanka Galmudug.
Wararka ayaa tilmaamaya in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, ay wadeen dadaallo lagu xallinayay khilaafkii u dhexeeyay maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka.
Qoorqoor, oo xilka Madaxweynaha Galmudug hayay tan iyo Febraayo 2020, ayaa ugu dambeyn shacabka Galmudug ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada, nabadda iyo horumarka maamulka.
Go’aanka uu ku dhawaaqay ayaa sii xoojinaya wararka sheegaya in ganacsade Liibaan Axmed Xasan uu yahay musharraxa ay Madaxtooyada Soomaaliya taageersan tahay doorashada madaxtinimada Galmudug.
