Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa loo doortay kursiga HOP-204—kursi uu horey ugu fadhiyay Isxaaq Cali Subag.
Tani waxay ku soo beegmeysaa xilli guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyin “qof iyo cod” ee Koonfur-Galbeed, iyo liiska ururrada siyaasadeed ee tartamaya.
Wasiirka ayaa helay 96 cod, kaddib doorasho dadban oo si degdeg ah uga dhacday magaalada Baydhabo—iyadoo habraacii doorashada lagu soo gabagabeeyay saacado gudahood.
Diidmo & Eedeyn
Xildhibaankii hore ee kursigan, Isxaaq Cali Subag, ayaa si adag uga horyimid doorashada, isagoo sheegay inuusan wax war ah ka hayn in kursigiisa la dooranayo.
Wareysi uu bixiyay, ayuu ku sheegay in kursigiisa “laga qaaday isagoo jooga,” taasoo uu ku tilmaamay arrin sharci-darro ah.
Qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka—gaar ahaan kuwa isku magacaabay “Xildhibaannada Baarlamaanka Xorta ah”—ayaa cambaareeyay doorashadan, iyagoo su’aal geliyay sharciyaddeeda iyo habraacii loo maray.
Isburin Siyaasadeed & mid dastuuri
Arrintan ayaa imaneysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u riixeyso qorshaha doorasho “qof iyo cod” ah.
Sidoo kale, dhowaan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay dastuurka cusub, kaddib ansixintii labada Aqal ee Baarlamaanka—iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, uu sheegay in dastuurkaasi si rasmi ah u dhaqan galay.
Muran sharci iyo mid siyaasadeed ayaa weli taagan—maadaama dastuurka cusub uu dhigayo in wasiir uusan noqon karin xildhibaan.
Hase yeeshee, waxaa muuqata in tallaabooyin ka hor imaanaya qodobkaas ay dhacayaan—iyadoo dhowaan Ra’iisul Wasaaraha uu xil wasiir u magacaabay xubin ka tirsan baarlamaanka, halka Wasiir Jaamac oo ka tirsan Xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamsa isna loo doortay xildhibaan.
Haddii dastuurka cusub uu dhaqan galay, maxaa keenaya is-waafajin la’aanta muuqata? Su’aashan ayaa weli jawaab u baahan
