Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa muujinaya horumar cusub oo laga gaaray wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan. Warbaahinta Al Jazeera, oo xiganeysa ilo ku dhow Golaha Amniga ee Iiraan, ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu aqbalay hindise dhex-dhexaadin ah oo ay keentay Pakistan—kaas oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda.
Donald Trump ayaa si deg deg ah uga falceliyay isfahamka, isagoo sheegay in “horumar weyn” laga gaaray wadahadallada, isla markaana uu rajeynayo in heshiis buuxa la gaaro.
Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in tallaabooyinkan ay horseedi karaan xasillooni iyo hoos u dhac ku yimaada qiimaha shidaalka caalamka
Hormuz & Shuruudaha Heshiiska
Qodobka ugu muhiimsan ee is-af-garadka ayaa ah in dib loo furo Marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz—oo ah halbowlaha ganacsiga shidaalka adduunka. Qodobbada kale ee saldhigga u ah is-afgaradka waxaa ka mid ah: in Mareykanku yareeyo joogitaankiisa ciidan ee gobolka, in dib loo eego lana qaado cunaqabataynta dhaqaale ee Iraan, in la sii daayo hantida Iiraan ee dibadda ku xayiran, iyo in markab kasta oo marayo Hormuz ay ka qaado 2 milyan oo canshuur ah, ayna ka dhaxeeso lacagtaas Iiraan iyo cumaan.
Waxaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan qodobo ku saabsan amniga marinka iyo qaabka loo maareynayo maraakiibta isticmaasha
Wararka ayaa tilmaamaya in is-afgaradka ay ku jirto joojinta weerarrada ka socda qaar ka mid ah furimaha gobolka sida Lubnaan.
Haddii heshiiskan la xaqiijiyo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo dhanka diblomaasiyadda ah—gaar ahaan marka la eego heerka ay colaadda gaartay tan iyo markii uu dagaalka bilawday 28kii Febraayo. Wararka ayaa sheegaya in dadaalladan ay qeyb ka yihiin olole ay wadaan dalal ay ka mid yihiin Pakistan iyo Shiinaha, si loo yareeyo xiisadda.
Saameynta Dhaqaalaha
Saameynta heshiiskan ayaa durba laga dareemay suuqyada—qiimaha shidaalka caalamka ayaa hoos u dhacay, iyadoo la filayo in furitaanka Hormuz uu yareeyo cadaadiska saaran sahayda tamarta.
Si kastaba, weli waxaa jira su’aalo ku saabsan sida loo fulin doono qodobbada adag ee heshiiska, iyo in labada dhinac ay si dhab ah uga go’an tahay inay ilaaliyaan xabbad-joojinta. Labada toddobaad ee soo socda ayaa go’aamin doona in tani ay tahay bilow nabadeed—ama kaliya hakad ku-meelgaar ah oo ka horreeya xiisad kale.
