Labadii toddobaad ee u dambeeyay, waxaa si isa soo taraya u kordhay iscasilaadaha masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
Is-casilaadahan badankood waxaa lala xiriirinayaa eedeymo ku wajahan madaxweynaha—oo lagu tilmaamay inuu isku koobay go’aannada muhiimka ah ee dalka iyo xisbiga. Maalintii Arbacada, Xoghayihii Guud ee Xisbiga JSP, Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa iscasilay kaddib markii uu si cad u sheegay in go’aamada ay noqdeen kuwo hal dhinac ah.
18-kii bishan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa isna ka tegay xilkiu uu ka hayay xisbiga—isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha ku xadgudubka iyo jebinta dastuurka. Ugu yaraan shan wasiir—oo isugu jira wasiirro ku-xigeenno iyo wasiirro dowlayaal—ayaa 24 saac gudahood iscasilay, iyagoo ku eedeeyay dowladda ku-takrifal awoodeed.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya suurtagalnimada ah in iscasilaado kale iman karaan, iyagoo tilmaamaya in la joogo xili kala guur ah oo danaha siyaasadda isdiidanyihiin.
Haddaba, maxaa qarsoon oo aan wali la ogeyn?
Maxay dhab ahaantii salka ku hayaan iscasiilaadaha, ma arrimo waa weyn oo aan la ogeyn baa jira , mise waa khilaaf siyaasadeed oo caadi ah?
