Tan iyo markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Taliye Shub,” waxaa isa soo taraya warar sheegaya in gurigiisa la geeyay ciidamo aan ka mid ahayn kuwii hore u ilaalin jiray.
Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay ula socoto—ama u xakameyso—dhaq-dhaqaaqa taliyaha, kaddib xil ka qaadistiisa. Taliye Shub ayaa labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed—xiligii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo teeramkan labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Golaha Wasiirrada ayaa Arbacadii xil ka qaadis ku sameeyay, iyagoo isla markiiba magacaabay Sareeye Gaas Maxmed Sheekh Xasan Xaamud taliyaha cusub oo ee Asluubta. Madax hore, siyaasiyiin, iyo qaar kamid ah mucaaradka ayaa si adag uga falceliyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid ka baxsan sharciga iyo dhaqanka Soomaalida. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay, isaga oo qoraal ku sheegay inay tahay “xabsi guri” iyo “argoosi siyaasadeed”
Sidoo kale, taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa arrintan ku tilmaamay dhaqan ugub ku ah dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga digay dowladda inay ka fiirsato. Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo faahfaahin ka bixinaya sababta ama beeninaya tallaabadan.
Si kastaba, arrintan ay ku soo beegmeysa xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed. Xiisaddaas ayaa durba dhalisay iscasilaadyo ka dhex dhacay dowladda, halka deegaannada Baraawe iyo Buurhakaba ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin federaal ah oo halkaas ka wada dhaqdhaqaaqyo la xiriira xaaladda Koonfur-Galbeed.
Su’aalaha weli taagan ayaa ah: tallaabadan ma tahay mid amni oo kooban—mise waa qayb ka mid ah is-jiid jiidka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya?
