Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay inay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo xiisadaha ka taagan Badda Cas ay sii xoogeysanayaan. Tani waxay noqotay mowqifkii ugu cadcadaa ee diblomaasiyadeed ee ay Jabuuti u qaadato Riyadh tan iyo markii ay dib u soo cusboonaadeen xiisadaha gobolka.
Bayaan ay 27-kii Luulyo soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa lagu cambaareeyay eedeymaha lagu wiiqayo doorka Sacuudiga ee gobolka, iyadoo sidoo kale lagu muujiyay taageero buuxda iyo garab istaag boqortooyada. Wasaaraddu waxay ammaan u jeedisay dadaallada Sacuudiga ee ku aaddan xoojinta amniga gobolka, dhiirrigelinta wadahadallada siyaasadeed iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah.
Dhanka kale, Jabuuti waxay ka digtay in weerarrada joogtada ah ee lagu hayo maraakiibta caalamiga ah ee mara Badda Cas ay khatar weyn ku yihiin xasilloonida gobolka, xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Waxay ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami si loo ilaaliyo marin-biyoodkan muhiimka ah.Bayaankan ayaa muujinaya isbeddel ku yimid mowqifkii hore ee Jabuuti, oo inta badan ku koobnaa baaqyo ku saabsan dejinta xiisadda, iyadoo hadda si cad ula safatay Sacuudiga xilli uu wajahayo weerarro isdaba joog ah oo ay Xuutiyiintu ku beegsanayaan maraakiibta iyo kaabeyaasha tamarta.
Go’aankan ayaa sidoo kale xoojinaya doorka istaraatiijiyadeed ee Jabuuti ee dhinaca Afrika ee marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ka mid ah marinada badeed ee ugu mashquulka badan dunida, isla markaana muhiim u ah isu socodka ganacsiga iyo howlaha militari.
Warkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo 27-kii Luulyo ay sii socdeen weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) lagu qaaday Sacuudiga iyo dalal kale oo gobolka ah, inkastoo ay jiraan dadaallo dhexdhexaadin iyo hakad ku yimid iska horimaadkii tooska ahaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan.
Falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in Jabuuti ay doonayso inay sii xoojiso iskaashigeeda istaraatiijiyadeed ee Sacuudiga, iyadoo isla markaana ka fogaanaysa inay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka.
Indhaha ayaa hadda lagu hayaa in labada dal ay ballaariyaan iskaashiga amniga, kordhiyaan howlaha ciidamada badda ee agagaarka Jabuuti, ama ay la kulmaan hanjabaado kaga yimaada kooxaha kasoo horjeeda Sacuudiga.
