Dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara marin-biyoodka Bab el-Mandeb ayaa hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay bilooyin badan, kaddib markii ay sare u kaceen weerarrada ay fuliyeen Xuutiyiinta.
Xogta la socodka maraakiibta ayaa muujisay in 26 Luulyo ay marin-biyoodka ka gudbeen oo keliya 11 markab oo xamuul ah, kuwaas oo ay ku jireen 7 booyadood oo shidaal, taasoo ka dambeysay weerarro lagu qaaday kaabeyaasha shidaalka Sacuudiga iyo ku dhawaaqista Xuutiyiinta ee xanibaadda maraakiibta lala xiriiriyo Sacuudiga.
Hoos u dhacan ayaa muujinaya in xiisadda sii kordheysa ay si toos ah u saameyneyso isu socodka maraakiibta ganacsiga, iyadoo ay sii kordhayaan kharashaadka gaadiidka badda, caymiska iyo digniinaha amni.
Marin-biyoodka Bab el-Mandeb, oo isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waa marin muhiim u ah ganacsiga caalamka. Haddii qalalaasuhu sii socdo, waxaa saameyn ku yeelan kara dekedaha Geeska Afrika, oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya iyo Jabuuti, taasoo kordhin karta kharashaadka dhoofinta, soo dejinta iyo gaadiidka badeecadaha.
