W/Q: Mohammed Hirmoge
Axmed Luzako, waxaa wejigiisa ay ka muuqato dhoollacaddeyn iyo soo dhoweyn, wuxuu u eg yahay wiil ku soo koray magaalada; laakiin runtu saas ma aha. Wuxuu leeyahay kalsooni deggan, isaga oo u labista si xarrago leh oo heer sare ah.
Maalintii, wuxuu u shaqeeyaa sidii sawir qaade iyo sammeynta muuqaallada (video editor). Bishii hore ayayna ahayd markii uu shahaadada koowaad ee culuumta Kumbuyuutarka (Computer Science) ka qalinjabiyey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Si kastaba, degganaantiisa waxa ka dambeysa xaalado dhib, iyo dhabar-adayg, rejo iyo dadaal.
Sanadkii 2020-kii, Axmed wuxuu ku noolaa miyiga; maalintii dugsiga ayuu aadi jiray, halka casar-gaabadkii uu geela raaci jiray. Haa, wuxuu ahaa geel-jire. Ka hor inta uusan baran cilmiga iyo aaladaha lagu farsameeyo muuqaallada, nolol maalmeedkiisu waxay ahayd halgan joogto ah oo loogu jiro nolosha.
Barbaarintii iyo Bilowgii Waxbarashada
Magaciisu waa Axmed Maxamed Daahir. Sannadkii 2002, ayuu ku dhashay Miyiga Gobalka Hiiraan, aagga xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu kamid yahay toban carruur ah oo ay isku dhaleen waaliddiin weli wada jooga, kuwaas oo ah qoys lagu yaqaan dhabar-adayg. Waxay ahaayeen reer guuraa; meeshii roob ka da’o oo daaqsin leh ayay u guuri jireen. Abaartu waxay ahayd cabsi joogto ah, halka roobkuna uu ahaa rajo iyo badbaado.
Sanadkii 2009, Axmed wuxuu waxbarashadiisa ka bilaabay dugsi quraan iyo iskuulka ku yaalo tuulo yar oo la yiraahdo Gerijir, oo hadda degmo ah. Maalmihiisu waxay u qaybsanaayeen labo qeyb: subaxdii wuxuu fadhiyey fasalka, galabtiina wuxuu baadi-goobi jiray xoolihii daaqsinka u kala firdhay; inkasta oo ay ahayd shaqo adag, haddana waxay ahayd mid laga sugayo inuu qabto.
Dhabar-adaygga iyo Hankii Magaalada
Sannadkii 2017, wuxuu dhameeyay dugsiga dhexe, kaas oo ahaa heerkii ugu sarreeyay ee waxbarasho ee markaas halkaas laga heli karay. Isaga oo raba in uu sii kordhiyo aqoontiisa, wuxuu u guuray magaalada Guriceel si uu dugsiga sare u sii wato; xitaa markaas, ma go’in xiriirkii uu la lahaa nolosha Miyiga. Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha wuxuu dib ugu laaban jiray miyiga, si uu xoolaha ugu caawiyo qoyska.
Waxbarashadu kama hor istaagin mas’uuliyaddii saarneyd; labadaba wuu isku siday. Sannadkii 2020-ka, waxaa jiray dhallinyaro badan oo tuuladiisa ah ay u socdaalayeen Muqdisho; si ay ehel u soo booqdaan ama caasimadda u soo arkaan. Inkasata uu Axmed uu kamid ahaa dhallinyaradaas, ujeedkiisu wuxuu ahaa mid ka duwan. Wuxuu ogaa in uu ka yimid qoys reer guuraa ah, oo noloshoodu dhib ku dhisnayd. Socdaalkiisu ma ahayn baxsasho ee wuxuu ahaa hiigsi iyo hammi.
Kumbuyuutarka iyo Kaamirada
Sannadkiisii ugu horreeyay ee Muqdisho, wuxuu dhammaystiray sannadkii u dambeeyay ee dugsiga sare, isaga oo qalinjabiyey 2021-kii. Wax yar kaddib, wuxuu iska diiwaangeliyey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed si uu u barto culuumta Kumbuyuutarka. Jaamacaddu waxay u ahayd isbeddel kale; intii uu waxbarashada ku jiray, wuxuu xiiseeyay kaamirooyinka iyo sawir qaadista.
Wuxuu billaabay in uu barto, korna u qaado xirfaddiisa sawirka iyo muuqaalsammeynta. Xiisaahiisa, wuxuu si degdeg ah ugu beddelmay xirfad uu ku shaqaysto. Wuxuu gaaray heer khibrad sare leh, isaga oo qandaraasyo la qaatay hay’ado caalami ah, kana soo shaqeeyay ku dhawaad gobol kasta oo dalka kamid ah.
Guusha iyo Rajada
Sannadkan 2026, wuxuu dhammaystirtay shahaadadiisii jaamacadeed. Laga soo bilaabo raacidda geela ee bannaanka weyn ilaa farsamaynta muuqaallada ee kaamirada dhexdeeda; laga soo bilaabo dhulalkii abaaruhu saameeyeen ilaa uu ka noqdo aqoonyahan jaamacadeed. Socdaalka Axmed ma aha oo kaliya mid dhul kale loo guuray ee waa socdaal dhanka fursadaha iyo suurtagalnimada nolosha ah. Axmedna hadda ayay billow tahay nolosha.
