Odayaasha iyo duubabka dhaqanka ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madasha Mustaqbalka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee dalka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda iyo jihada doorashooyinka soo socda.
Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waday kulammo isdaba joog ah oo ka socday magaalada Muqdisho, iyagoo laba maalmood ka hor la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Dadaalladan ayaa u muuqda kuwo lagu raadinayo xal dhexdhexaad ah oo lagu dejin karo xiisadda siyaasadeed.
Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha “laga ergooday,” isaga oo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed uu dhigayo in qofka laga ergooday dib loo soo fariisiyo, lana keeno miiska wadahadalka.
Suldaanka ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u doonayaan wadahadal furan oo horseeda xal waara, wuxuuna yiri:
“Madaxweynaha waa laga ergooday. Dhaqan ahaan waxaa jirtay in ninka laga ergooday la soo fariisiyo.” ayuu yiri Suldaan Cabdisalaam
Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xusay sababta odayaasha dhaqanka loogu yeeray, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la caddeeyo waxa laga filayo kulamadaas iyo waxa ay ka keeneen Madaxweynaha. Wuxuu sidoo kale xusay in haddii waqtiga Madaxweynaha uu dhammaado, ay muhiim tahay in si cad loo qeexo xalka lagu wajahayo xaaladdaas.
“Madaxweynaha Maxaad ka keenteen inaan dhahno ayaan odoyaasha ugu yeernay” ayuu yiri Sheikh Shariif
Suldaan Mustaf Maxamed ayaa isna sheegay in kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha uu muujinayay in xaaladdu deggan tahay, isla markaana ay u badan tahay in siyaasiyiintu iyagu xallin karaan khilaafaadka jira, halka odayaashuna ay door ka qaadan karaan toosinta wixii qaldama.
“Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in xaaladdu aanay hadda dhibaato weyn lahayn, siyaasiyiintu ay isfahamsan yihiin, ayna u badan tahay inay si wadajir ah u xallin karaan. odayaasha dhaqanka ay door muhiim ah ku leeyihiin talo bixinta, ay toosin karaan wixii qalad ah.” ayuu yiri Suldaan Mustaf
Mucaaradka ayaa maalmahan waday kulammo siyaasadeed oo ay la yeelanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada—oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, haweenka iyo waxgaradka—si ay u xoojiyaan aragtidooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Dooda mucaaradka ayaa muujinaysa heerka kala aragti duwanaanshaha ee sii xoogeysanaya—gaar ahaan arrimaha hoggaanka, doorashooyinka, iyo sida loo wajahayo marxaladda siyaasadeed ee dalka.
