Maxkamadda degmada Galkacyo oo dil togasha ah ku fulisay haweeney gabar ku dishay degmadaas. Maxkamadda derajada 1aad ee degmada Degmada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa saaka lagu toogtay Hodan Maxamuud Diiriye oo horay maxkamadda ku xuntay dil toogasho ah; kaddib markii lagu helay in ay dishay Saabiriin Cabdulle Saylaan oo ahayd Gabar gurigeeda ku noolayd.
Maxkamadda ayaa horraantii subaxdi lasoo dhaafay soo soosaartay wargelin ku saabsan fulinta xukunkaan, iyada oo kaddibna la toogtay Hodan Maxamuud Diiriye.
Marxuumad Hodan ayaa ahayd Hooyo dhashay Carruur lagu sheegay 13, markii xukunka lagu riday waxa ay horay u sheegtay in ay aqbashay xukunkaas diyaarna u tahay in lagu qaado wixii shareecada Islaamka ay ka qabto falka ay gaysatay.
Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa 24-kii Nove, Hodan ku xukuntay dil-toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle.
