Waxaa labo sano bar kaddib dib u billowday duullimaadkii tooska ahaa ee Garoonka Diyaaradaha Khartuum ee Dalka Suudaan kaddib markii ay saamayn taban ku reebeen dagaalladii sokeeye ee dalkaas uu galay.
Garoonka diyaaradaha caasimadda Suudaan ee Khartuum oo dib u dhis lagu sameeyay ayaa dib loo furay, kaddib markii milatariga Suudaan ay dib usoo celiyeen gacan ku heynta Khartuum, xilli ay shalay duulimaadyadii u horreyay ay garoonka diyaaradaha Khartuum gaareen.
Dib u furista Garoonka Caalamiga ah ee Khartoum ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaallada dawladdu ku doonayso inay ku soo nooleyso noloshii caasimadda ka dib dagaalladii.
Dadka Suudaan ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka togan ee sida isdaba joogga ah ay u wadaan Ciidamada Dalkaas ee guusha ka gaaray Kooxda RSF, waxaa dib boorka looga jafay howlihii muhiimka ahaa sida in ay Dowladdu dib ugu laabatay Caasimadda.
