Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka hadlay bannaanbaxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in “bannaanbaxa in maanta lagu soo aadiyo iyadoo dalka meel kamid ah doorasho ay ka dhaceyso” ay tahay suaal taagan.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ugu yaraan hal qof uu ku dhintay tiro kalena ay ku dhaawacmeen bannaanbaxyo saaka ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, isagoo sheegay in dadka waxyeelladu kasoo gaartay ay ahaayeen dad “dareenkooda cabbirayay.”
Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dareemayay xiisad siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo bannaanbaxyo ah oo ay hore ugu baaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka.
Bannaanbaxyadan oo loogu magac daray “Hiil Shacab” ayaa mucaaradku ku sheegeen kuwo looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen dulmi, barakicin iyo cadaalad-darro lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday in Garoonka Koonis uu yahay goobta kaliya ee loo oggol yahay in lagu qabto dibadbaxyo dadweyne, iyadoo la adkeeyay amniga magaalada Muqdisho.
Warar isa soo taraya ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada dowladda la dhigay hareeraha guryaha qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si loo xaddido dhaq-dhaqaaqooda loogana hortago inay hoggaamiyaan bannaanbaxyada.
Xaaladda Muqdisho ayaa weli kacsan, iyadoo si dhow isha loogu hayo saamaynta ay bannaanbaxyadan ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed ee caasimadda.
