Warqad gudaha ah oo loo nisbeeyay Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegaysa in Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) loo oggolaaday inuu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee lala xiriirinayo gobolka Koonfur Galbeed.
Warqadda oo ku taariikhaysan 21-ka Agoosto 2026, kuna socota Madaxa AUSSOM ee Soomaaliya, ayaa muujinaysa walaac laga qabo xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee Koonfur Galbeed.
Sida ku xusan warqadda, waxaa jira warbixino tilmaamaya iskaashi sii xoogaysanaya oo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah iyo Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay weerarro isku dubbaridan ku qaadeen saldhigyo iyo fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo.
Warqaddu waxay sheegaysaa in AUSSOM laga doonayo inay Dowladda Federaalka siiso taageerada lagama maarmaanka ah, iyadoo la xusayo waajibaadka howlgalka ee la xiriira la dagaallanka Al-Shabaab, ilaalinta rayidka iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.
Waxay sidoo kale tilmaamaysaa in AUSSOM loo oggolaaday inay ku biirto ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee lala xiriirinayo Koonfur Galbeed.
Warqaddu waxay carrabka ku adkaynaysaa in AUSSOM ay ilaaliso dhexdhexaadnimo siyaasadeed iyo eex la’aan, isla markaana ay ka fogaato ku lug lahaanshaha khilaafaadka siyaasadeed.
AUSSOM ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inay si joogto ah ula socoto isbeddellada xaaladda amni ee gobolka, isla markaana ay warbixinno xilliyeed u gudbiso xarunta dhexe.
