Daraasad ay sameysay Somali Public Agenda (SPA) intii u dhaxaysay bishii shanaad iyo lixaad ee sanadkan ayaa muujisay in Magalooyinka Garowe iyo Kismayo ay ku badan yihiin shacabka aaminsan in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaaday.
Shacabka ku nool Garowe ayaa ku dhawaad boqolkiiba 50 qabay in aragtida ah in muddo xilledka madaxweynaha dhamaaday, waxaana ku xigtay Kismaayo. Natiijooyinka sahanka ayaa kala ah: • Garowe: 49.6% • Kismaayo: 48.4% • Baydhabo: 46.2% • Dhuusamareeb: 37.1% • Jowhar: 36% • Muqdisho: 33.1%.
Waa hal Madaxweyne, hal su’aal. Ma dhammaaday muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud? Daraasadda ay sameysay Somali Public Agenda ayaa muujisay in jawaabta su’aashan ay ku kala duwan tahay magaalooyinka Soomaaliya.
Daraasadda oo la sameeyay intii u dhaxaysay bishii May iyo June, ayaa sahamisay aragtida shacabka ee magaalooyin kala duwan ee dalka. Garowe ayaa ugu sarreysa, iyadoo 49.6% dadka la sahamiyay ay aaminsan yihiin in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha uu dhammaaday.
Waxaa ku xigta Kismaayo oo gaartay 48.4%. Waxaa Gobolada ugu hooseeya Dhuusamareeb oo ah 37.1% iyo Jowhar oo 36% la aaminsana xiligaas in muddada xil haynta madaxweynaha dhamaata. Farqiga u dhexeeya magaalooyinkan wuxuu muujinayaa hal arrin: Aragtida shacabka ee xaaladda siyaasadeed iyo muddo-xileedka Madaxweynaha isku mid kama aha dalka oo dhan.
Garowe iyo Kismaayo ayaa ugu sarreeya shacabka ee qaba aragtidan, halka Muqdisho ay leedahay heerka ugu hooseeya. Natiijooyinkani waxay muujinayaan kala duwanaanshaha aragtida dadweynaha ee magaalooyinka, xilli doodaha ku saabsan doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya ay sii xoogeysanayaan.
Sahanku wuxuu cabbirayaa hal shay: Sida ay shacabka magaalooyinka kala duwan u arkaan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Maxaa sababay farqigan weyn ee u dhexeeya Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho?
Daraasadda SPA ayaa waxaa ka soo wareegtay hadda 3 bilood, ma suurogal bal in hadii mar kale afti la mid ah la qaado ay tirada is beddeli karto?
