Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu wajahayo laba kamid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira caasimadda Muqdisho; qashinka ku daadsan waddooyinka iyo lo’da lagu soo daayo gudaha magaalada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta saxiixay Xeerka Nadaafadda iyo Maareynta Qashinka Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay in qashinka badan ee ka muuqda Muqdisho ay qeyb weyn ka tahay lo’da lagu soo daayo gudaha magaalada.
Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta oo ku guuldareysata inay maareyso lo’deeda ay Dowladda Hoose kala wareegi doonto.
“Lo’dii waddooyinkii magaalada wey buux dhaafisay, haddii dadka leh ay maareyn waayaan 15-maalmood kaddib, dowladda hoose ayaa la wareegi doonta”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)
Maamulka ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay hagaajinta nadaafadda, badqabka waddooyinka iyo bilicda caasimadda. Lo’da waddooyinka lagu daayo iyo qashinka ku daadsan xaafadaha ayaa muddo dheer kamid ahaa cabashooyinka ugu badan ee ay qabaan shacabka Muqdisho.
Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa aaminsan in xeerkan cusub uu wax ka beddeli karo muuqaalka magaalada iyo heerka nadaafadeed ee caasimadda. Waaxaase la wada dhowraya sida loo dhaqan-gelin doono xeerarkan iyo in ay horseedi doonaan isbeddel muuqda oo ku yimaada nadaafadda iyo bilicda Muqdisho.
