Toddobaadyada soo socda, magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shir ay isugu imaanayaan dalalka ciidamadooda ku biiriya Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa imanaya xilli uu sii kordhayo walaaca la xiriira mustaqbalka howlgalka, kaddib markii Mareykanku uu sheegay inuusan sii maalgelin doonin Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya bisha Diseembar 2026.
UNSOS ayaa laf-dhabar u ah taageerada saadka ee AUSSOM, iyadoo bixisa adeegyo ay ka mid yihiin gaadiid, sahay, adeegyo caafimaad, isgaarsiin iyo taageero kale oo muhiim u ah ciidamada howlgalka.
Dalalka ciidamadooda ku biiriya AUSSOM ayaa la filayaa inay ka tashadaan sida loo sii wadi karo howlgalka haddii taageerada dhaqaale ee Mareykanka ay joogsato, iyo cidda buuxin karta farqiga maalgelinta.
Sidoo kale, shirka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo mustaqbalka howlgalka, suuragalnimada dib-u-habeyn lagu sameeyo AUSSOM, iyo doorka ay qaadan karaan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya.
Go’aamada ka soo baxa Kampala ayaa door weyn ka qaadan kara jihada uu qaadi doono AUSSOM, xilli Soomaaliya ay weli wajahayo caqabado amni iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Natiijada shirka ayaa si dhow isha loogu hayaa, maadaama ay saameyn toos ah ku yeelan karto joogitaanka ciidamada AUSSOM iyo qorshaha amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.
