Markasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya shaaciso duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab, waxaa ku soo noqnoqda hal jumlad.
“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka…”
Waa kuwee saaxiibadaas? Maxaase magacyadooda loo sheegi waayaa?
Marar badan, Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegata duqeymaha ay ka fuliso Soomaaliya.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa inta badan soo saara qoraallo lagu xaqiijinayo duqeymaha iyadoo lagu sheegayo inay yihiin taageero la siinayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedyadooda waxay inta badan xusaan goobta howlgalka, ujeeddada iyo in weerarku qeyb ka yahay taageerada amniga Soomaaliya.
Sidoo kale, Turkiga ayaa sanadihii dambe ahaa mid kamid ah saaxiibada ugu dhow Soomaaliya dhinaca amniga.
Turkiga ayaa tababara ciidamada Soomaaliya, wuxuuna bixiyaa agab iyo taageero milatari.
Hadane, Dowladda Turkiga si joogto ah uma sheegato howlgalada ama duqeymaha ay ka qeyb qaadato, haddii ay jiraan door noocaas ah.
Dowladda Federaalka badanaa ma magacaawdo dalalka ku lug leh howlgalada.
Taas waxaa loo fasiran karaa dhowr sababood.
Mid waa in howlgaladu yihiin kuwo wadajir ah oo ay jiraan heshiisyo amni oo aan si faahfaahsan loo shaacin.
Mid kale waa in dowladda ay doorbideyso inay xoogga saarto doorka Ciidanka Soomaaliyeed halkii ay si gaar ah u magacaabi lahayd cidda bixisay taageerada.
Sidoo kale, mararka qaar, waddamada taageeraya ayaa iyagu leh siyaasado u gaar ah oo ku saabsan goorta iyo sida ay u shaacinayaan ka qeybgalka howlgalada.
Marka dal shisheeye si toos ah uga qeyb qaato howlgal, isaga ayaa soo saara warsaxaafaddiisa.
Haddii uusan sidaas sameyn, Dowladda Soomaaliya badanaa waxay ku ekaataa erayga guud ee ah “saaxiibada caalamka.”
Sidaas darteed, ilaa waddan si rasmi ah isu magacaabo, lama xaqiijin karo cidda ka dambeysay duqeyn gaar ah.
Ma habboon tahay in shacabka loo sheego cidda bixisay taagerada duqeynta, mise arrintaas waxay ka mid tahay xogaha amniga ee aan la faahfaahin?
Taasi waa dood weli furan.
