Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay sii xumaaneyso, iyagoo ku baaqaya in si degdeg ah loo kordhiyo taageerada loo fidinayo boqolaal kun oo qof, gaar ahaan gobollada waqooyi ee ay abaartu sida daran u saameysay.
Digniintan ayaa ku jirta warbixin cusub oo ay soo saartay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada, OCHA. Intii u dhexeysay Janaayo iyo May, gargaar ayaa la gaarsiiyay in ka badan 507,000 oo qof oo ku kala nool 64 degmo.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada, OCHA ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 570 kun oo qof ay wajahayaan biyo yari. Ilaa 1.5 milyan qof ayaa u baahan gargaar cunto, halka ku dhowaad 400 kun oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqo-darro.
Hay’adaha gargaarka ayaa ugu baaqaya beesha caalamka inay kordhiyaan maalgelinta iyo taageerada bani’aadannimo, iyagoo ka digaya in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, ay sii xumaan karto xaaladda malaayiinta qof ee wajahaya abaaraha, gaajada iyo biyo yarida Soomaaliya.
