• Dhexdhexaadin ay hormuud ka yihiin mas’uuliyiin Turki ah
Dowladda Turkiga ay door muuqda ka qaadatay fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka. Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, wada-hadallada waxaa hoggaaminaya saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka Turkiga, kuwaas oo wada dadaallo lagu yareynayo xiisadda siyaasadeed.
• Kulamadii ugu horreeyay oo Talaadadii billowday
Wadahadallada ayaa si rasmi ah u billowday maalintii Talaadada, iyadoo wafdiga mucaaradka uu kulan gaar ah la yeeshay dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga. Kulankaas ayaa lagu sheegay mid hordhac u ah geeddi-socodka lagu doonayo in la isu soo dhoweeyo dhinacyada.
• Kulamada oo la filayo inay Khamiista dib u billowdaan
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-hadallada, dhinacyadu waxay mar kale kulmi doonaan maalinta Khamiista, iyadoo la filayo in laga gudbo wada-hadallada hordhaca ah loona gudbo qodobbada la isku hayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
• Puntland iyo Jubbaland oo aan ka qeybgalin wada-hadallada
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan qayb ka ahayn wada-hadallada socda. Weli si rasmi ah looma sheegin sababta ay qayb uga ahayn wada-hadallada
• Farmaajo oo aan ku jirin kooxda mucaaradka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qayb ka ahayn kooxda mucaaradka ee wada-hadallada ku jirta. Farmaajo ayaa doonaya inuu xubno asaga u gaar ay si madax-bannaan uga qayb qaataan kulamada.
