Wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa lagu wadaa inuu berri oo Khamiis ah galo marxalad cusub, iyadoo la filayo in laga gudbo kulamadii hordhaca ahaa loona gudbo qodobbada ugu muranka badan.
Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in diiradda la saari doono arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada kale ee salka u ah khilaafka siyaasadeed.
Wadahadallada ayaa si rasmi ah u billowday maalintii Talaadada, markaas oo wafdiga mucaaradka uu kulan gaar ah la yeeshay dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga. Kulankaas ayaa loo arkay mid gogol-xaar u ahaa geeddi-socodka lagu doonayo in labada dhinac lagu soo dhoweeyo.
Dowladda Turkiga ayaa hoggaaminaysa dadaallada dhexdhexaadinta, iyadoo sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka Turkiga ay door muuqda ku leeyihiin fududeynta wada-hadalladan.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la yareeyo xiisadda siyaasadeed isla markaana dhinacyada lagu heshiisiiyo.
Laba arrin oo durbaba lagu arkay wadahallada ayaa ah; in wadahallada ay ka maqanyihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo ilaa hadda, si rasmi ah aan loo shaacin sababta
Iyo sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayo in isagoo aan ka tirsanayn mucaaradka kale uga qeybgalo wada-hadallada.
Wararka ayaa sheegaya inuu doonayo in xubno isaga matala ay si madax-bannaan uga qeybgalaan geeddi-socodka.
Waxaa laga dhur sugayaa kulanka Khamiista, iyo sida dhinacyadu diyaar u yihiin tanaasul iyo is-afgarad, ama uu sii adkaan doono ismari-waaga siyaasadeed ee muddooyinkii dambe taagnaa.
