Waddooyinka Muqdisho waxaa maalin kasta lagu dhex arkaa gaadiid ahaa in mar hore garaashka la iska dhigo. Waa baabuurro waaweyn oo xamuul culus sida, balse aan lahayn shuruudihii aasaasiga ahaa ee badbaadada.
Qaar badan ma laha fariin fiican, hadaadka, ama xitaa muraayadda hore—waxayna u egyihiin qalfoof socda. Baabuurtan waxay sii daayaan qiiq madow oo cufan, waxayna sameeyaan buuq xooggan, xamuulka ay sidaan ayaa ah mid ah dhowr tan. Inkasta oo ay aad u liitaan, haddana waxaan looga maarmin qaadista badeecadaha gudaha magaalada.
Cilado farsamo ayay inta badan baabuurtan la fariistaa bartamaha waddooyinka—gaar ahaan xilliyada ugu mashquulka badan.Tani waxay dhalisaa saxmad ba’an oo hakisa isu socodka magaalada, kuna keenta shacabka waqti lumis.
Dhinaca kale, u hoggaansanaanta xeerarka waddooyinka ayaa weli hooseysa. Siinta mudnaanta gaadiidka kale, ixtiraamka dadka lugeynaya, iyo raacitaanka nidaamka taraafikada—intaba waa caqabado muuqda oo ka dhax jira magaalada. Isku darka gaadiid duug ah iyo shuruucda gaadiidka oo liita waxay keeni karaan halis iyo saxmad. Goorma ayaa xal waara loo heli doonaa badbaadada iyo habsami u socodka waddooyinka?
