Maalmo ka hor, wasiir ku xigeen ka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa Facebook-giisa lagu daabacay inuu is casilay—hase yeeshee saacado kadib ayuu sheegay in akoonkiisa la jabsaday, isla markaana uusan wax lug ah ku lahayn.
Marar badan, hadallo ka soo baxa masuuliyiin sare ayaa noqda kuwo muran dhaliya, kuwaas oo noqda kuwo bulshada falanqeeyaan oo in muddo ah hadal hayso. In yar kaddib, isla masuuliyiintaas ayaa lagu arkaa iyagoo sixid ku sameynaya hadalkoodii ama bixinaya sharaxaad kale.
Dhowr jeer waxaa la arkay masuuliyiin ka tiursan dowladda oo hadal jeediya kadibna dib uga noqda—iyagoo inta badan sheegaya in hadalkooda si qaldan loo fahmay. Arrintan ma aha mid cusub, balse waxay noqotay dhacdo soo noqnoqota oo si weyn u soo jiidata dareenka bulshada.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar sheegay in hubka loo ogolyahay Al-Shabaab iyo dowladda—hadal si weyn loo hadal hayay—balse maalmo kadib ayuu dib uga laabtay, isaga oo sheegay in si qaldan loo fahmay
Maxaa hadal rasmi ah, maxaase ra’yi ah? marka hadal uu hore u yiri qof mas’uul ah ugu baahdo inuu dib u soxo ama fasiraad ka bixiyo, ama yiraahdo qalad ayaa la ii fahmay, miyuusan dhihi karin, waan qaldanaa, raali halaga iga ahaado?
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin ayaa sheegay in dowladda aysan mas’uul ka ahayn waxbarashada iyo caafimaadka, balse isna dib ayuu uga laabtay hadalkaas, isagoo sheegay in si kale loo fasiray.
Dhibaatadu ma aha oo kaliya hadalka la yiri—balse waa saameynta uu yeesho kahor inta aan la ‘sixin’. Saxitaanka dambe mar walba ma tirtiro raadkii hore, balse doodda ayuu sii badiyaa. Soo noqnoqoshada hadalladan is khilaafsan waxay abuureysaa jahawareer, waxayna hoos u dhigtaa kalsoonida shacabka ee hadalka masuuliyiinta.
Waxay sidoo kale keentaa in bulshada ay ka shakiyaan waxa saxda ah—iyo waxa aan ahayn.
Hadal kastaa waa mas’uuliyad. Haddii fariinta aysan caddayn ama aan laga fiirsan, waxay kamid noqonesyaa buuqa baraha bulshada. Marka hadal la yiraahdo kadib dib looga laabto, su’aashu ma aha oo kaliya ‘maxaa la yiri?’—balse waa ‘maxaa la rumeysan karaa?’