Ciidamada dowladda ayaa xalay mar kale magaalada Muqdisho ku xiray saddex weriye oo kala ah Cabdishakuur Maxamed Maxamuud, Cabdixafiid Nuur Barre iyo Maxamed Ibraahim Bulbul.
Wariyeyaasha ayaa laga watay maqaayad ku taalla Zoobe, gaar ahaan xaafad ka tirsan degmada Wadajir. Lama shaacin sababta xariggooda.
Mid kamid ah wariyeyaasha oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ciidamada qabtay ay u geysteen jirdil xooggan, kaas oo sababay dhaawacyo muuqda. Waxa uu sidoo kale sheegay in intii ay gacanta ku hayeen loogu hanjabay inay joojiyaan tabinta wararka la xiriira mucaaradka, arrimaha dhulka iyo xarigyada lala beegsado dadka aragtida ahaan ka soo horjeeda dowladda.
Wariyeyaashan ayaa saacado kadib la sii daayay, kaddib baaritaanno iyo su’aalo lagu weydiiyay xarumaha ammaanka.
Xariggan ayaa kusoo aadaya iyadoo labo maalmood ka hor sidoo kale la xiray saddex wariye oo ka hawlgala warbaahinta Muqdisho.
Wariyeyaashaasi waxaa kamid ah Rowdo Xasan Taakilo oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog, iyo Jacfar Maxamed Xasan iyo Nuur Xasan Cali oo ka tirsan Kalsan TV.
Waxaa sidoo kale jira dhallinyaro lagu eedeeyay inay taageersan yihiin mucaaradka oo xabsiyada ku jira.
Sacdiya Macallin Cali, oo ahayd gabar ku shaqeysa mooto bajaaj, ayaa xiran muddo ku dhow 25 maalmood. Laba maalmood ka hor ayay ahayd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu sheegay inuu gacanta ku hayo gal-dacwadeedka Sacdiya Macallin Cali Xasan, isaga oo ku eedeeyay arrimo la xiriira sumcad dil iyo kicin bulsho.
Xarigyada isdaba jooga ah iyo eedeymaha la xiriira caburinta warbaahinta ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee dalka.
