Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka falcelisay go’aankii shalay ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur-Galbeed, kaas oo lagu sheegay in maamulkaasi hakiyay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka walaacsan tahay abuurista caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni xilligan xasaasiga ah.
Dowladda ayaa sidoo kale tilmaantay in tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto qaar ka mid ah deegaannada Koonfur-Galbeed. Xildhibaannada ku metela Koonfur-Galbeed Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhaweeyay go’aanka maamulka, iyagoo ku tilmaamay mid lagu ilaalinayo nabadda laguna baajinayo colaad hor leh.
Xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka jira deegaanno ka tirsan Koonfur-Galbeed. Ciidamo iska soo horjeeda ayaa ku sugan degmada Qansaxdheere, halka magaalada Baydhaba ay bishii hore ka dhaceen qalalaase la xiriiray arrimo siyaasadeed. Maamulka Koonfur-Galbeed, oo hore uga mid ahaa maamulada si dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka, ayaa weli taageero u muujin dhameystirka dastuurka. Maamulka ayaa hadda wajahaya marxalad cusub, iyo xiisad siyaasadeed.
