Waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga celiyay diyaarad sidday wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay saarnaayeen ciidan horudhac u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo—xarunta KMG ee maamulka Koonfur-Galbeed.
Amar xalay ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Koonfur-Galbeed ayaa lagu hakiyay dhammaan duulimaadyadii ka imanayay Muqdisho, marka laga reebo kuwa Qaramada Midoobay iyo howlgalka nabadilaalinta Afrika ee AUSSOM.
Xiisadda siyaasadeed ee Koonfur-Galbeed ayaa sii cakirmeysa, kaddib hadal uu jeediyay Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaas oo eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka—arrintaas oo si weyn u kicisay dood siyaasadeed.
Laftagareen ayaa yiri “…waxa isku milmay oo isku dano noqday dowladda federaalka ah iyo Shabaab…” Hakinta duulimaadyada rayidka ah ee ka imanaya Muqdisho ayaa muujinaysa heerka ay gaartay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur-Galbeed.
Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa sidoo kale sheegay inay si weyn u adkeeyeen amniga magaalada Baydhabo, xilli xaaladdu sii kacayso.
Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo wareysi siiyay Somali24, ayaa arrintaan ku tilmaamaay hardanka siyaasadeed oo ay ku dhibaatoobayaan shacabka.
Prof Dhalxa “Ma ahan wax fiican aax ay dowlada sameyneyso iyo falcelinta KG, mana ah arrin siyaasadeed kaliya ee waxay saameyn galaafan doontaa shacab nabad ku deegeenaa……
Golaha Mustaqbalka ayaa soo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ee la xiriira taageeridda dastuurka ku meel gaarka ah, iyagoo ku tilmaamay mid lagu xoojinayo nidaamka federaalka, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale taageereen qabashada doorasho, iyagoo ugu baaqay dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle inay si degdeg ah u qabtaan doorashooyin ku saleysan dasturkii ku meel gaarka ahaa.
Baraha bulshada ayaa si xooggan uga muuqda farriimo is-dhaafsan oo muujinaya baaxadda khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka ayaa si toos ah uga jawaabay hadalka Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, isaga oo aragtidiisa ku baahiyay bartiisa Facebook.
Xiisaddan sii xoogeysaneysa ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay labada dhinac u maareeyaan khilaafkan.
