Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in 28-ka bishan ay tahay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka isku sidkan ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa arrintan ku dhawaaqay kaddib markii xubno ka tirsan guddiga ay gaareen magaalada Baydhabo, isaga oo xusay in doorashadu ka dhici doonto degmooyin dhowr ah.
“Bishan Abriil 28-keeda ayaa loo asteeyay maalinta doorashooyinka isku sidkan, kuwaas oo isugu jira doorashada heer dowlad goboleed (Baarlamaanka Koonfur Galbeed) iyo heer degmo (golayaasha deegaanka).” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga.
Doorashooyinka ayaa laga qaban doonaa 11 degmo oo ka tirsan saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Degmooyinkaasi waxaa ka mid ah Bardaale, Baydhabo, Qansaxdheere, Diinsoor, Buurhakaba, Xuddur, Waajid, Wanlaweyn, Afgooye, Baraawe iyo Marka.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in doorashooyinkan ay noqon doonaan kuwo qof iyo cod ah, taas oo ka dhigeysa Koonfur Galbeed maamulkii ugu horreeyay dalka ee u dhaqaaqa nidaamkan.
Dowladda Federaalka ay la wareegtay gacan ku haynta maamulka Koonfur Galbeed, kaddib bixitaankii Laftagareen.
Waxaa toddobaadkan magaalada Baydhabo ku sugnaa Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa sii joogay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Militariga, Taliyaha Maxkamadda Ciidamada, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
